Waxa maanta ka qabsoomay hudheelka Grand Haddi ee Magaalada Hargeysa shirka Guddida Farsamo ee Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda oo bishiiba mar la isugu yimaaddo

Waxa maanta ka qabsoomay hudheelka Grand Haddi ee Magaalada Hargeysa shirka Guddida Farsamo ee Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda oo bishiiba mar la isugu yimaaddo. Guddida oo ka kooban Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah Wasaaradaha dalka ayaa waxa lagaga wada hadlaa arrimaha khuseeya dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo arrimaha la xidhiidha. Shirkan oo ka mid ah kuwii billaha ahaa waxa guddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxaana ka soo qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Shaqo Gelinta, Caddaaladda, Biyaha, Gaashaandhigga iyo Hay’adda Shaqaalaha. Waxa kele oo kulankaa ku wehelinayay qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo masuuliyiin kele. Intii uu shirkani socday waxa lagu lafaguray arrimo badan oo ay ka mid yihiin Qaab-dhismeedka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda, Maamulka Shaqaalaha Dawladda, dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo arrimo kele. Kulanka ayaa warbixin ka dhegeystay saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha taas oo lagaga hadlayay halka uu marayo barnaamijkii dib u habaynta shaqaalaha dawladda, gaar ahaan labadii bilood ee ugu dambeeyay iyo waxyaabaha qorshaysan inta sannadka ka hadhay. Sidoo kele waxa shirku dhegeystay warbixino ku saabsan halka uu marayo xeerka hawl-gabka shaqaalaha dawladdu, Qorshihii dib u habaynta shaqaalaha, halka uu marayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda oo dib u eegis iyo kaabis lagu sameeyay imikana hor yaalla Golaha Wakillada ka dib markii ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen, xog-ururin laga samayn doono adeeg bixinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo arrimo kele oo la xidhiidha. Ugu dambayn shirka waxa ka soo baxay talooyin, hawl-qabadyo iyo qorshayaal lagu shaqayn doono kuwaas oo ayn xubnaha guddida farsamo ay si joogto ah dib u eegis iyo dabagal ugu samayn doonaan bilaha soo socda. Shirku waxa uu mar kele sidii caadiga ahayd u qabsoomi doonaa dhamaadka bisha November 2020 iyada oo la eegi doono wixii ka fulay qodobbada shirkan ka soo baxay isla markaana la isla eegi doono dhamaystirka hannaanka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee ay Hay’adda Shaqaaluhu gadhwadeenka ka tahay.+6