• Civil Service Commission
صَفَر 5 1442

shirkii saddex-billaha ahaa ee Guddida Wasiirrada ee Haga Barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo ka dhacay Baraar Hotel ee magaalada Hargeysa.

Waxa shalay qabsoomay shirkii saddex-billaha ahaa ee Guddida Wasiirrada ee Haga Barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo ka dhacay Baraar Hotel ee magaalada Hargeysa. Kulankaas waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arirmaha Bulshada iyo Qoyska, ahna Guddoomiyaha Guddida, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumainta, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga iyo la Dagaallanka Musuqmaasuqa iyo masuuliyiin kele oo ka socotay Mashruuca Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda. Shirkan oo Saddexdii biloodba mar la qabto ayaa lagu lafaguray arrimaha la xidhiidha mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo Baanka Adduunku ka taageero dawladda Somaliland. Intii shirku socday waxa guddida wasiirradu ay dhegeysteen warbixinno la xidhiidha wixii qabsoomay muddadii saddexda bilood ahayd ee la soo dhaafay, caqabadaha ka hor yimid tayaynta iyo dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo qorshaha saddexda bilood ee soo socda.Intii shirku socday waxa si faahfaahsan loo lafaguray arrimo badan oo ay ka mid yihiin Mac-hadka shaqaalaha dawladda oo heshiis cusub la galay Jaamacadda Gaana iyo kor u qaadista tababarrada uu siiyo shaqaalaha dawladda, samaynta nidaamka casriga ah ee maamulka shaqaalaha dawladda (HRMIS), siyaasadda hawl-gabka shaqaalaha dawladda, siyaasadda dallacsiinta iyo mushahar bixinta shaqaalaha dawladda (Pay & Grading) iyo arrimo kele oo badan. Shirkan ayaa ah mid la isugu yimaaddo saddexdii biloodba mar iyada oo lagu qaato go’aano masiiri ah oo la xidhiidha dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo arrimaha la xidhiidha

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright 2020, Civil Service Commission