BURCO 04-07-2019():Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Mudane Farxaan Aadan Haybe oo safar Shaqo ku jooga Magaalada Burco ee Gobolka togdheer ayaa kulan xafiiskagudoomiyaha Gobolka Todheer kulan kula qaatay dhamaan Isuduwayaasha wasaaradaha iyo Hayaddaha Dawlada ee Gobolka Togdheer.

Kulankan oo ay gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ku weheliyeen Badhasaabka Gobolka mudane Hamse walaaleeye, badhasaab ku xigeenka, Xoghayaha Gobolka iyo Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo ka wakiil ahaa Maayirka Magaalada ahna gudoomiyaha Golaha deegaanka oo safar shaqo uga oo Hargeysa uu ku joogo uga maqnaa kulankaas ayaa waxaa lagaga dhawaaqay Aasaaska, hirgelinta iyo weliba bilowga Machadka shaqaalaha Dawlada Faraciisa Burco oo laga hirgelin doono magaalada Burco kaas oo u noqon doona mid adeeg tababar, aqoon kobcin iyo dhisida tayada shaqaalaha siiya sadexda Gobo lee barri ( Sool, Sanaag, Togdheer).

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo hadal dheer halkaas ka jeediyaya ayaa waxuu yidhi; Waxaan halkan ku imi safar shaqo oo arin khaas ah oo ahmiyad wayn u leh burco, gobolada barriga iyo dhamaan qaranka JSL taas oo ah hirgelinta Machadka tababarka shaqaalaha Dawlada oo halkan aanu ka hirgelin doono. Hawsha Machadkan oo sidoo kale ay ku lamaan tahay machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ( Local government institute) iyagoo isku lamaan waxay u adeegi doonaan shaqaalaha dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee sadexda gobol ee barriga. Waxaynu ognahay in shaqaalaha dawlada ee goboladaas ay dhib iyo dhiig bax ku ahayd inay hargeysa kaga qayb galaan
tababarada machadka shaqaalaha ee hargeysa bixiyo sababtoo ah markay hargeysa tagaan waxay ku kacaysay kharash ka badan mushaharkooda taas oo niyad jab ku ahayd shaqaalaha taasina waxay keentay in shaqaalahe badani taginba fursadaha tababar. Markasta oo shaqaalahu aanu u helin fursad tababar iyo aqoon kobcin waxa ay ka go’an tahay adeega shaqo ee shacbigu inaga filayo. taas iyadoo la qiimeeyay iyo iyadoo aan ku socono soo jeedinta talada madaxwaynaha JSL ee ah in Gobolada Barriga loo fekero sidii fursadaha waxbarasho iyo aqoon kobcin ee gaar ahaan shaqaalaha loo baadi doono xal damaanad qaada tayaynta aqoontooda ayaa tan keentay.

Shalay ayaanu isla dhamaynay hawshii guriga machadka laga aasaasayo hawshaasna waxaan uga mahad celinayaa Madaxwaynaha JSL iyo Gudoomiyaha Gobolka oo runtii kaalin mug leh ka qaatay herglintaa hawshaad la,aantiina aynaan maanta halkan isugu nimaadneen. Waxa kale oo aan halkan uga mahadcelinayaa Mayorka magaalada maxamed Muraad oo balan qaaday inuu guriga machadka u sameeyo dayr dhisme ah. Halkan isuduwayaashiina waxaan leeyahay hawshaasi idinka ayay faaiido wayn idiin tahay oo shaqaalahiina idinka hoos shaqeeya hadii tababaro heer jaamacadeed ah ay helaan waxay keenaysaa in adeega aad ka masuulka tihiin noqdon mid shacbigu mahadiyo waxaan idinkula dardaarmayaa inaad gacmaha
isu qabsataan hawshaas oo bisha 8aad aanu bilaabayno tababaradii inta ka horaysana qalabayntii iyo dayactir kooban oo dayrku ka mid yahay ayaanu dhismaha ku samaynaynaa. Waxa isna halkaan ka hadlay Isuduwayaasha wasaaradaha Madaxtooyada, Hawlaha guud, Diinta iyo Awqaafta.Waxbarashada,
Caafimaadka, Beeraha, Gaadiidka, IWM.

Dhamaan waxay iska daba mareen sida ay ugu riyaaqsan yihiin uguna faraxsan yihiin hawshan iyagoo sheegay inay u
mahad celinayaan Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha oo dadaal ka muujiyay iyo badhasaabka Gobolka oo aan ka fadhiisan hawshaas. Waxaanay balan qaadeen in ay dadaal kasta oo looga baahdo gelinayaan kuna gacansiinayaan si loo hirgeliyo hawshaas.

Waxa kale oo Isuduwayaasha Wasaaradahu sheegeen in ay mahad balaadhan iyo salaam u dirayaan Madaxwaynaha JSL oo ay hore safarkiisii Burco kala hadleen baahida loo qabo machadkaas tana ay jawaab u tahay inuu balanqaadkii madaxwaynuhu soo fuliyay aadna uga mahadacelinayno. Ugu danbayn waxa halkaas ka hadlayn Badhasaabka Gobolka oo sheegay in hawshani taariikhdu xusi doonto in Burco laga hirgeliyo Machadka tababarka shaqaalaha oo aad ugu muhiim ah waxaana aan u mahad celinayaa Madaxwaynaha JSL oo balanqaadkii safarkiisa ay qayb ka ahayd soona dedejiyay fulinta hawshaas.

Waxa uu gudoomiyaha Gobolku si wayn ugu mahadceliyay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo hawshan xil dheeraad ah iska saaray mudadii koobnayd ee uu xilka hayay kuna gulaysto inuu maanta halkan inala joogo isagoo inoo sheegay in dhamaan qalabkii diyaar u yahay oo la soo rarayo lana bilaabo tababaradii bisha 8aad ee ogost. Waxaana Gudoomiyaha Gobolka iyo Gudoomiyaha Hayada shaqaalahu soo kormeereen dhismaha loogu talo galay machadka oo ka soo hor jeeda madaxtooyada Burco.

Alla Mahad Leh.

Hargeysa 02-07-2019():Agaasimaha Guud Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Oo Maanta Liiska Dareewalada Wasaaradaha Iyo Hay’addaha Dawladda Ee Madaxa Banaan Ku Wareejiyay Wasaarada Gadiidka Iyo Horrumarinta Jidadka JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *