• Civil Service Commission
صَفَر 5 1442

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Ballan-qaaday In La’Joogtayn Doono Tababaradda Dhinaca Luuqadaha Ee La Siinayo Shaqaalaha Dawladda.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Ballan-qaaday In La’Joogtayn Doono Tababaradda Dhinaca Luuqadaha Ee La Siinayo Shaqaalaha Dawladda.

Hargaysa: (CSC)-Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somailand,Farxaan Aaddan Haybe,ayaa maanta ka qeyb-galay kullan u qabsoomay qaabka fogaan-aragga ah ee loo yaqaano (Virtual Meeting)  oo ay  kasoo qeyb-galeen Xubno ka tirsan Mac-hadka Dawladda ee CSI,kuwaas oo dhamaystay Tababarka Tababarayaasha ee luuqada Ingiriirisadda oo la doonayo inay kor-u-qaadaan aqoonta Shaqaalaha Dawladda ee dhinaca Luuqadaha Ajnabiga ah sida English-ta,iyada oo mustaqbalka dhawna la’qorsheeyay in Mac-hadka Dawladda lagu soo kordhiyo Barashadda Luuqadaha Carabiga Iyo Faransiiska.

Gudoomiyaha Ha’yadda shaqaaahu,waxa uu sheegay  inuu ku rejo weyn yahay in Tababaradda Dhinaca Luuqadaha ee Mac-hadka CSI-du noqon doonaan qaar joogto ah,kuwaas oo ka caawin doona shaqaalaha Dawladda inay xidhiidh la sameeyaan; Maalgashadayaasha,Dalxiisayaasha,Haay’adaha Caalamiga ah,isla-markaasna ay kaga qeyb-qaadan karaan Fidinta dedaalka Aqoonsi-raadineed ee Jamuuriyadda Somaliland.

Gabo-gabaddii,waxa uu Gudoomiyuhu si balaadhan ugu mahad-naqay Mac-hadada ka taageeraya Mac-hadka Dawladda Hir-galinta Barnaamijiyadan oo ay ugu horeeyaan Mac-hadka GIMPA ee Dalka GHANA iyo Hay’adda ACH ee Dalka Ingiriiska.

Xafiiska Xidhiidhka Wasaaradaha,Hay’adaha Iyo Saxaafadda ee CSC

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright 2020, Civil Service Commission