AGAASIMAHA CUSUB EE HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA AYAA KULAN IS BARASHO LA QAATAY SHAQAALAHA HAY’ADDAHargeysa (CSC)

AGAASIMAHA CUSUB EE HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA AYAA KULAN IS BARASHO LA QAATAY SHAQAALAHA HAY’ADDAHargeysa (CSC) – Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Maxamed Geeddi Caynaanshe ayaa kulan is barasho iyo is xog-waraysi ah la qaatay shaqaalaha hay’adda. Kulanka oo ka qabsoomay Hoolka Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda ayaa waxa ka soo qeyb-galay agaasime-waaxeedyada, madax-qeybeedyadda, Xubnaha Mashruuca dib-u-habaynta shaqaalaha iyo guud ahaanba shaqaale-waynaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.Agaasimaha Cusub ee hay’adda shaqaalaha oo hadal kooban u jeediyay Shaqaalaha ayaa ka hadlay ujeeddada Kulanka oo ahaa mid isabarasho ah. Agaasimuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay qaabka uu doonayo in ay shaqaalaha u wada shaqeeyaan, waxaanuu muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta wakhtiga shaqada iyo sidii Shaqaalaha Hay’addu hal-beeg ugu noqon lahaayeen shaqaalaha kale ee dawladda maadaama ay Hay’addu u xilsaaran tahay ilaalinta tayada shaqaalaha dawladda iyo sidii ay taasi uga muuqan lahayd Xafiisyada Hay’adda, gaar ahaana ilaalinta wakhtiga shaqadda.Dhinacooda shaqaalaha Hay’adda ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay Agaasimaha Cusub, waxaanay halkaas ka soo jeediyeen hawlaha shaqo ee haatan ay gacanta ku hayaan iyo arrimaha ay tahay in uu Agaasimaha cusubi ka gacansiiyo.Kulanka ayaa ku soo dhamaaday iyada oo dhinacyadu ballan qaadeen dardar gelinta shaqada hay’adda iyo Kor u qaadista isla xisaabtanka.@CSC MEDIA SECTION+9