Farxad wayn ayay ii ahayd in aan maanta tababar muddo socday u soo xidhno dafcad ka mid ah garsoorayaasha iyo kalkaaliyayaasha Maxkadamaha Gobolka M-Jeex.

Waxa run ahaan naga go’an In shaqaalaha dawladu goob kasta oo ay ka hawlgalaan iyagoo shacbigooda u adeegaya ay noqdaan qaar koobsada aqoon, maamul wanaag, hal abuurnimo iyo xirfad ay ku dheehantay dal jacayl iyo halkarnimo, taas oo lagu gaadhi karo keliya joogtaynta tababarada iyo aqoon iswaydaarsiyo shaqada dhexdeeda lagu siiyo shaqaalaha ( on Job training) iyo kuwo si ka xeel dheer oo baahi ku salaysan loogu diyaariyo ( short and tailor made courses).

Dabcan, 104 garsoorayaasha iyo kaaliyayaasha maxkadamaha Gobolka Maroodi-Jeex oo tababar mudo socday Ku qaatay Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada ayaanu maanta gudoonsiinay Shahaadooyinkooda. Waxaan u mahadcelinayaa Maamulka Machadka Shaqaalaha Dawlada CSI oo Tababarka fuliyay, Maxkamada Sarre oo uu oo iyadu Ku dhiiratay In qiimayn ka dib shaqaalahaas loo soo xulo Tababarka iyo Hayadaha gacanta ka gaystay hawshaas.

Alla Mahad Leh

Farxaan Aadan Haybe.
Gudomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL